Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Kismaayo.
Mudanayaasha ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland, waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland.
Xildhibaannadaasi Jubaland ku matala Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ajiibay codsi uga yimid Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku casumay Shir Wada-tashi ah, kaasi oo ka dhici doonaa Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee laga soo doorto Jubaland ayaa lagu wadaa in ay Shirkooda Wada-tashiga ah uga arrinsadaan Khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubaland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.