Wasiir ku xigeenkii Wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Xil. Sadaam Maxamuud Cabdi oo ka soo jeeda Puntland ayaa xalay xilkii iska casilay.
Xildhibaan Sadaam oo qoraal Rasmi ah u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa caddeey in uu xilkii iska casilay waxaana uu xukuumaddii uu ka tirsanaa ku eedeeyay abuurista dagaallo sokeeye iyo kala qeybinta bulshada Reer Puntland.
Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamse ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa degaannada Puntland islamarkaana diiday in gebi ahaanba wax mashaariic ah la geeyo Puntland.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Xukuumaddii uu ka tirsanaa in ay ku hawllan tahay abuurista Colaado Sokeeye iyo xasilooni-darro laga sameeyo degaannada Jubaland.
Halkan ka akhriso Is casilaada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.