Maxaa Doorasho iyo Dimoqraadiyad loo yaqaan?

W.Q: Ruqiya Aw Maxamed Faarax

Maxaa dhacaya haddii qofka aadamiga ah ama bulsho dhan oo meel ku dhaqan ay ka maqan yihiin ama aysan lahayn aqoonta, garashada, xogta iyo wax ka ogaanshaha arrimaha noloshooda saameynta ku leh? Ka warrama haddii aan shakhsiga iyo shacabku awood u lahayn inay wax iska weydiiyaan waxyaalaha hareerahooda iyo hortooda mar kasta ka dhacaya oo uusan ku jirin dareenka iyo fikirka ah: “wax baa si ah oo khaldan iyo maxay sidaas u tahay? Maxaanse si wada jir ah uga qaban karnaa?” Waxyaalahaasi ha ahaadeen wax si dabiici ah u dhaca ama arrimo aadamigu mas’uul ka yahay. Markii, dad gaari ahi wadaan arrimo nolosha bulshada saameyn weyn ku leh, waxay ahaan lahayd in la is-weydiiyo: maxay tahay ujeeddooyinka ay ka leeyihiin?

Tusaale, marka aan ka hadalno arrimaha la xiriira dawladnimada, maamullada Soomaalida iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku noolyihiin, waxaa loo jeedaa in shakhsiyaad gaar ah iyo kooxo awooddu gacanta ugu jirto ay u dhaqmaan sida ay iyagu rabaan. Cid la xisaabtanta iyo sharci qabtaana uusan jirin. Isla mar ahaantaasna, fikradahooda iyo falalkoodu waxay ku wajahan yihiin siday ku gaari lahaayeen danaha gaarka ah ee shakhsi iyo tan kooxeed oo lagu fushanayo damaca, doonista iyo awoodaha siyaasadeed meeshay la galaanba. Haddaba marka aqoonta, fahamka, garashada iyo xog-ogaalnimadu ay ku yaryihiin ama ka maqanyihiin shakhsiga iyo bulshada guud ahaanba, waxaa dhacaysa in dadka laga faa’iideysto, la marin habaabiyo, been loo sheego lana jaah-wareeriyo.  

Waqtigan aan hadda joogno, waxyaalahaas waxaa ka mid ah dimoqraadiyadda iyo is-doorashada Puntland waa ka bilaabantay la leeyahay, Muqdisho iyo Federaalka dadka ka taliyaana ku talo jiraan inay helaan qaab ay awoodda ku sii haystaan, dadkana looga faa’iideysto kala qaybsanaanta qabyaalladda ku salaysan, duruufaha iyo dayaca shacabka Soomaaliyeed haysta. Waa in la is-weydiiyo ‘maxaa democracy ah?’ qeexidda ugu fududi waa doorasho ama doorashooyin ay dadku u codeynayaan si ay u xushaan cidda ay rabaan inay ku matalaan maamul, xukuumad ama dawlad meel ka jirta iyada oo ay ku xirantahay inay jiraan mabaadi’ ama shuruudo cayiman oo ay ku ansaxayso doorasho dimoqraadi ahi.

Markii la eego ficillada, dabeecadaha iyo dhaqanka ka muuqda madaxda Soomaalida oo shacabka u sheegaya inay nidaam dimoqraadiyad ah uga shaqeynayaan kuna hoggaamiyaan, waxaa kuu soo baxaya sawirka ah sida  ‘tuug guryaha jabsada, qoys kastana horay wixii guryaha u yiil ka xaday oo loo jeedo laakiin dadku aysan awood u lahayn inay iska celiyaan oo hantidooda ka qaataan. Isla mar ahaan taasna uu ninka guryaha jabsadaa dadka u sheegayo inuu u keenayo nidaam uu dadka guryaha ugu xafidayo si aan tuugadu ugu soo dhacin’!

Haddaba, waxaa arrintan ka dhigan hoggaamiyayaasha Soomaalida kuwo Federaal iyo kuwo maamul goboleed inay ka hadlaan doorasho dimoqraadiyad ah, shacab qof iyo cod, qaab xor iyo xalaal ah wax ku dooranaya.

Si nidaam dimoqraadi ahi dimoqraadiyad u noqdo, waxaa jira mabaadi’ aasaas u ah haddii aysan jirinna waxa dimoqraadiyadda loo yaqaan aysan dimoqraadiyad noqonayn, ciddii wadataana ay tahay inay magac kale ula baxdo. Qoraallo iyo macluumaad dimoqraadiyadda ku saabsan qaarkood waxaa ku qoran ilaa iyo 14 mabda’ laakiin waxaan halkan ku eegayaa mid ka mid ah oo ah, ‘Xisbiyada badan’. Tan macnaheedu waxaa weeye in muwaadiniintu leeyihiin ikhyaar iyo kala xulasho xisbiyo dhab ah markii doorasho dimoqraadiyad ahi ay jirto. Taasna waxay ku timaaddaa markii xisbiyo kala mabaa’di iyo aragtiyo duwan ay ku tartamayaan siyaasadaha lagu hoggaaminayo dal iyo degaanno. Xisbiyadu waxay ka dhashaan aragtiyo fog, qadiyado la aaminsanyahay, dareen iyo fikirado ka yimid dad urur iskugu tagay oo ku wajahan qaababka kala duwan ee siyaasadaha oo bulsho lagu hagayo ama xukumayo si shacabku u helo adeegyada ay u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah, waddooyinka iyo sharciyaynta gaadiidka, bulsho dhiska, dhowrista xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka, garsoorka iyo caaddaaladda oo loo siman yahay iwm.

Sida aan u wada jeedno meelaha hadda doorasho ayaa ka dhacday la leeyahay iyo doorashooyinka mustaqbalka laga hadlayaba, waxa inoo muuqdaa waa shakhsiyaad sameystay wax ay rabaan inay awood siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku helaan oo weliba aan ka madax bannaaneyn firqo qabiil, mid jifo iyo is-kooxaysi dan gaara ku wada socda si ay u helaan wax ay kuwo kale oo sidooda oo kale ah kula gorgortamaan si ay danahooda ugu gaaraan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “hal xaaraan ahi, nirig xalaal ah ma dhasho’. Hoggaamiyaha xisbiyada runta ah waa la doortaa oo jagada waa lagula tartamaa, wuu is-casilaa markii uu ku fashilmo xilka loo dhiibay, waa la beddelaa oo dad la tartama baa xilka kala wareega.

Tusaale ahaan, haddii Puntland loo soo qaato hadda, wax shakhsi leeyahay oo uu ‘xisbi’ ula baxay, jeebkiisana ku jira xisbi ma noqonayaa? Miyaysan ahayn dukaan shakhsi maalgashaday oo furihiisa haysto oo aan cid kale ka qaadi karin awoodna ku lahayn? Miyaan loo jeedin waxa ‘xisbiyada’ loogu yeerayo inay yihiin wax loo sameystay ‘ganacsi siyaasadeed iyo ku maxlalasho’. Haddaba, waxa sidaas loo sameystay oo u abaabulan looguna yeerayo ‘dimoqraadiyad’ waa meel ka dhac weyn, u gafid caqliga iyo garaadka qofka aadamiga ah iyo shacab reer Puntland.

Waxaa lagu maahmaahaa: “Meyd maxaa u dambeeyay? kaas la sii sido baa la yiri” Bal u fiirsada waxa hadda ka socda golaha deegaanka degmada Garoowe! Maalinta la arko ama ay sameysmaan xisbiyo aan shakhsi lahayn, kuna sifoobaya waxa ‘xisbiyada iyo mucaarad siyaasadeed’ loo yaqaan oo dhab ah ayay Puntland ka abuurmaysaa rajo dimoqraadiyad!

W.Q: Ruqiya Aw Maxamed Faarax