Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay jadwalka dhismaha goleyaasha degaanka degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku shaacisay jadwalka dhismaha goleyaasha degaanka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in dhaarinta iyo Fariisinta golaha degaanka degmada Garoowe loo muddeeyay 9 bishan November.
Dhaarinta iyo Fariisinta golaha degaanka degmada Dangoroyo ayaa loo muddeeyay 13 November halka dhaarinta iyo Fariisinta golaha degaanka Godobjiraana loo muddeeyay 16 Nov siday wasaaraddu sheegtay.
Dhammaan xubnaha goleyaasha degaanka saddexdaasi degmo ayay sidoo kale wasaaraddu ku wargelisay in ay u diyaar garoobaan waajibaadka dhaarinta iyo Fariisinta.
Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.