Hay’adda CIA oo ku dhawaaqday in Ruushku uu carqaladeynayo doorashada Maraykanka

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ku dhawaaqday in Ruushka uu carqaladeynayo doorashada Mareykanka ee maanta dadweynaha ay codkooda ka dhiibanayaan.

Warbixin ka soo baxday hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa lagu sheegay in uu Ruushka yahay khatarta ugu weyn ee doorashada Mareykanka ay la kulmayso.

Dhinaca kale, Maamulka gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in kooxaha weerarrada internetka fuliya ee Ruushka ay istaajiyeen nidaamka ay dad weynaha codka kaga dhiibanayeen doorashada.

Markii u horreysay ee Trump uu madaxweyne noqday doorashadii 2016-kii, waxaa lagu eedeyay Ruushka in uu gacan ku siiyay sidii uu Trump u guuleysan lahaa , baaritaannada doorashadaa ayaa ah mid illaa hadda socota.

PUNTLAND POST