Dadweynaha Maraykanka ayaa saaka oo Talaada ah u dareeraya goobaha ay yaalaan sanaadiiqda codadka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xakumi doona dalkan afarta sano ee soo socota.
Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxeynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.
Labada murashax ayaa Isniinti shalay oo aheyd maalinti ugu danbeysay ee ololaha doorashada xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennslvania, oo aad loo saadaalinayo in ciddi ku gooleysata uu noqon karo madaxweynaha soo socoda.
Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading.
Gobolkan ayaa leh 19 codadka loo yaqaanno kuwa ergooyinka. Marka laga soot ago codadka dadweynaha, murashaxi hela ilaa 270 codadka ergooyinka gobollada ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka.
Trump ayaa ololahiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku khatintay ololaheeda doorashada caasimadda Pennsylvania ee Philadelphia.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.