Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka shaacisay in ay hawlgal ku dishay ilaa 27 xubnood oo ka tirsan Mileeshiyaadka Al-shabaab.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda NISA ayay ku sheegtay in Hawlgalka oo ay ka fulisay degaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale oo shabaab ah.
“Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayay sheegtay NISA.
Hawlgalkaasi oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay wateen Mileeshiyaadka al-shabaab sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka aoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ee NISA.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.