Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir wada-tashi ah ku casuumay Xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka BFS ku metela Jubaland.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayuu shir wada-tashi ah ku casuumay Xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland.
“Xildhibaannada Sharafta leh ee Labada Aqal ku matala dowladda Jubaland waxaan ku casumaya Kulan Wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono Xaalada Siyaadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubaland taariikhda 8-11 2024” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Casumaadda ayaa imaanaysa xilli uu sii xumaanayo xiriirka Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii dhawaan Madaxweyne Axmed Madoobe ka baxay Shirkii Madasha Muqdisho islamarkaana ka horyimid go’aannadii ka soo baxay.
Halkaan ka akhriso Warqadda Casumaadda
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.