Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran oo wacad ku maray weerar ka dhan ah Israa’iil

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Sabtidii wacad ku maray in ay jawaab ciqaabeed ka bixin doonaan weerarkii Israa’iil ay todobaadkii hore ku qaadday Iran.

Khamenei ayaa sheegay in dowladaha cadawga ku ah oo uu ku sheegay Israa’iil iyo Mareykanka ay la kulmi doonaan jawaab kulul, oo ay uga falcelinayaan weerarada ay ku hayaan Iran sida uu hadalka u dhigay.

Weerar kale oo ay Iran ku qaaddo Isra’il ayaa laga yaabaa inuu mandiqadda ku riixo dagaal weyn, xilli ay hadda Lubnan, iyo Gaza ay dagaallo ku dhexmarayaan Isra’il, Xisbullah iyo Xamaas.

Dhanka kale, ugu yaraan 11 Israa’iliyiin ah ayaa ku dhintay madaafiic laga soo ganay Lubnan oo ku dhacay degmada Tira ee bartamaha Isra’il. Ciidamada Israa’il ayaa sheegay in ay hawada ku qarxiyeen qaar badan oo ka mid ah madaafiicdaasi.

Xisbullah ayaa sheegtay in gantaallo iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn u adeegsatay weerar ay ku qaaddo bartilmaameedyo ay millatariga iyo sirdoonka Israa’iil ku leeyihiin waqooyiga iyo bartamaha Israa’iil.

PUNTLAND POST