Hawlgalka KMG ah UNTMIS oo si rasmi ah u bilaabay Hawlgalladiisa Soomaaliya

Hawlgalka KMG ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah hawgalladiisa u billaabay kadib markii uu beddelay Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku-simaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in UNTMIS uu xaqiijinaya sida ay Qaramada Midoobey uga go’an tahay inuu dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan.

“Waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta” ayuu yiri James Swan.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar, kaas oo aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal KMG ah labada sano ee soo socota UNTMIS.

Golaha Ammaanku wuxuu qaraarka ku asaasay UNTMIS iyadoo diiradda lagu saarayo hawlaha hortabinta leh ee muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya, Laga billaabo marka uu guda-galo waajibaadkiisa shaqo, Hawlgalka UNTMIS wuxuu ku dhaqaaqi doonaa fulinta kalaguurka hawllaha oo si marxaladaysan loogu wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST