Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka taagan degaanka Qorilugud ee Gobolka Togdheer

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaalkii shalay nawaaxiga degaanka Qorilugud ku dhexmaray Ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku baaqday in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaaddaasi ka taagan inta u dhexaysa Shangeed iyo Galgal oo u dhaw degaanka Qorilugud.

Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka labada dhinac in ay isu taagaan joojinta Colaadda ka aloosan degaannadaasi ku dhaw degaanka Qorilugud.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in ay saaka deggan tahay xaaladdii degaannadiii shalay lagu dagaallamay ee Shangeed iyo Galgal inkastoo ay weli is hor fadhiyaan labadii ciidan ee dagaallamay.

Halkan ka akhriso baaqa nabadeed ee dowladda Soomaaliya

PUNTLAND POST