Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo Sabti ah hortegay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in ay mudda bil ah dib u dhigaan Fasaxa Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan Shuruucda iyo Xeerarka ku saabsan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka.
“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay sooyaan fursada doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Intaasi kadib, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Codsiga Madaxweynaha ee ku aaddan in ay mudda bil ah dib u dhigaan Fasaxooda, si ay u ansixiyaan Xeerarka doorashooyinka qof iyo cod ee Madaxtooyadu doonayso in dalka laga qabto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.