Xukuumadda Puntland ayaa nasiib-darro ku tilmaantay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in uu Xaalad hubanti la’aan ah u horseedayo Dalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee Khamiista Maanta ah ayaa ku tilmaamay Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran kuwa ka horjeeda Dastuurka KMG ah ee Dalka iyo Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale ayiday Go’aankii Xalay ay sida Wadajirka ah u soo saareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Golaha Wakiilada Puntland, kuwaasi oo ka horyimid Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.
Xukuumadda Puntland waxay sidoo kale bogaadisay Go’aanka Jubaland ee ku saabsan qabashada heerarka kala duwan ee Doorashooyinka Jubaland sida waafaqsan Dastuurka Jubaland, islamarkaana ay ku diidday Mudda Kordhinta loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka.
Xukuumadda Puntlan ayaa sidoo kale taageertay Baaqyada ka soo baxay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Muqdisho, oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee Dalka, kuwaasi oo diiddan Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Puntland
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.