Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si cad uga horjeesatay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku caddaysay Mowqifka Maamulkaasi ja taagan yahay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.
Dowlad Goboleedka Jubaland waxay si cad u diidday Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Madasha oo uu ku jiro Mudda kororsiga loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka kuwaasi oo Mudd xileedkooda lagu kordhiyay mudda hal sano ah.
Jubbaland waxay sheegtay in doorashadeeda ay u madax banaan tahay oo ay qabsan doonto xilligeeda waxayna ugu baaqday Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in la ilaaliyo Dastuurka iyo xeerarka u yaala dalka.
Warsaxafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale ku sheegtay in heshiiskii horey u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah in uu fashilmay, maadama aan weli la xorayn degaanadii lagu ballamay in Al-shabaab laga saaro.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Jubaland
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.