Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxay si adag u cambaareeyeen, ugana soo horjeesteeb go’aanka muddo kordhinta ee Golaha Wadatashiga Qaran ka soo baxay, kaasoo loo sameeyay Dowlad Goboleedyada Dalka.
“Waxaan si adag u cambaareynaynaa go’aanka muddo-kordhinta sharcidarrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad-goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aankan wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, wuxuuna halis ku yahay geedi-socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Madaxdii hore.
“Dowladnimada Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay dastuur federaal ah oo sharciyad u siinaya in Baarlamaanka dowlad-goboleedka uu soo saaro sharciga doorashooyinka labada heer ee degaan iyo dawlad-goboleed, maamulkuna dhiso guddi madaxbannaan oo qabta doorashooyinka labada heer ee dowlad-goboleedka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ay si wadajirka ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.