Somaliland oo ka hadashay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo bistoolado iyo qoryo la soo baxay

Hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa markii u horraysay ka hadashay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo lagu arkay bistoolado iyo qoryo.

Qoraal Rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayay ku sheegtay in tallaabo laga qaadi doono qaar kamid ah  taageerayaasha Kulmiye oo bistoolad iyo qoryo ku soo bandhigay ololihii xisbigaasi ee Hargeysa.

Hay’adda Sirdoonka ee NIA, ayaa sheegtay in lagu dabo jiro lana soo xiri doono ragan oo rasaas ka ridayay xaafado kamid ah Hargaysa islamarkaana la soo baxay bistoolado iyo qoryo taasi oo cabsi abuurtay.

“Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa” ayaa lagu yiri qoraalka hay’addaasi.

Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa laamaha amaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay, iyaga oo sheegay in ay khatar amni keeni karaan.

PUNTLAND POST