Sirdoonka Somaliland oo xabsiga dhigay shakhsiyaad rabshad ka sameeyay ololihii xisbiga Kulmiye

Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigeen afar qof oo hubaysnaa oo rabshad ka riday isu soo bixii Xisbiga KULMIYE ee xaafada Siinay ee caasimada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Somaliland oo ay ku faafisay barteeda X (Twitter) ayay ku sheegtay in ay xabsiga u taxaabtay afartaasi qof oo ku eedaysan in ay rabashado ka sameeyeen ololihii xisbiga Kulmiye.

“NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye ee habeenimadii 28kii bishan” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA.

“Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida.Sidoo kale ciidamada booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa” ayuu sii raaciyay qoraalka hay’adda NIA.

PUNTLAND POST