Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa kulan ku martiqaaday Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muujinayo Qoraal kooban oo lagu wargeliyay Xubnaha labada Aqal.
Marti-qaadka ayaa imaanaya iyadoo shirkii Madasha Wadatashiga Qaran uu natiijo la’aan yahay, kaddib markii uu shirka isaga baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taasoo dib u dhigtay go’aano doorasho oo la soo saari lahaa ka hor inta aan la soo xirin Kalfadhiga Baarlamaanka.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha uu ka codsan doono Xildhibaannadda in muddo bil ah lagu daro kulamada kalfadhiga Baarlamaanka oo la filayo in dhowaan la soo xiro.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.