Israa’iil oo dhulka ay ka taliso ka ceyrisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Kaalmada Falastiiniyiinta

Israa’iil ayaa mamnuucday dhulka ay ka taliso inay ka howlgasho hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Falastiiniyiinta , sida ay ansixiyeen Baarlamaanka Israa’iil.

Sharcigan waxaa lagu sheegay in uu burburinayo boqollaalka kun ee Falastiiniyiinta ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaal Daanta Galbeed, sidoo kale wuxuu sharcigan awood u siinayaa inay Israa’iil ka joojiyo adeegga hay’adan guud ahaan dhulka Falastiin oo ay Qasa ku jirto.

Wakaaladda wararka ee Reuters , waxay sii deysay hadalka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo sheegaya “ Sharciga Israa’iil ee ka dhanka ah UNRWA wuxuu ku yeelan karaa cawaaqib xun qaxootiga Falastiiniyiinta.”

PUNTLAND POST