Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis maaliyadeed oo lagu tayeynayo Ciidamada Soomaaliya

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Maanta kala saxiixday heshiis iskaashi maaliyadeed oo ku saabsan qalabaynta iyo tababarka Ciidamada XDS.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa difaaca dalka Turkiga Yaşar Güler ayaa kala saxiixday heshiiskani diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed ayuu ku sheegay in isaga iyo dhiggiisa Turkiga kala saxiixdeen heshiiskaasi maaliyadeed ee tayeynta ciidamada

“Waxaan wada sixiixaney heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca iyo horumarinta CXDS.

Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim u ah iyadoo ay Wasaaradda sii waddo dib u dhiska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

“Sida ku cad heshiiskan dowlada Türkiye ayaa bixin doonta dhaqaale loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah tayeynta CXDS, sida Qalabeyn, Tababar iyo maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah” ayuu sii raaciyay wasiirka Difaaca DFS.

PUNTLAND POST