Xoogaga RSF oo 124 qof oo rayid u badan ku dilay dalka Suudaan

Kooxaha dhaq-dhaqaaqayaasha madaniga ee Suudaan ayaa xaqiijiyay, in Xoogaga Gurmadka Degdega Sudan ee loo soo gaabsho RSF ay Jimcihi dileen ilaa 124 qof oo u badan rayid.

Weerarkan ayaa ka dhacay tuulo ka tirsan gobolka Al Jazira, waxana lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo inti uu billowday dagaalka sokeeye ee Sudan muddo hadda laga joogo 18 bilood.

Jaziira ayaa marki horaba dhibane u aheyd dilal joogta ah, dhac iyo boob iyo barakac loo geystay boqollaal kun aoo ruux, falalkaas oo lagu eedeeyay kooxda RSF.

RSF weli kama aysan hadlin eedaha loo soo jeediyay. Kooxdan ayaa qabsatay inta badan gacan ku heynta dalka Suudaan, walina waxa ay dagaal kula jiraan ciidanka millatariga dalkaasi.

PUNTLAND POST