Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag u cambaareeyay Khariirad muran dhalisay oo dowladda Soomaaliya u adeegsatay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii Turkiga sahmin lahaa shidaalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu cambaareeyay Khariirad muran dhalisay oo dowladda Soomaaliya u adeegsatay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii Turkiga ee sahminta Shidaalka u yimid Soomaaliya.
“waxaa nasiibdaro ah iyadoo laga hadlaayo qeybsiga kheeyraadka iyo horumarka dalka in Wasiirka uu ka shaqeeyay kala qaaybin bulsho taas oo wiiqeeysa wadajirka Ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hirshabeelle.
“Dowladda Hirshabeelle ma aqbaleeyso kala qeybinta dadka iyo deeganada Hirshabelle sida uu qabo dastuurka Dowladda Hirshabeelle qoddobka 2-aad farqada 1-aad iyo qodobka 51-aad farqada 2-aad ee Dastuurka Hirshabeelle” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.
Dhinaca kale Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya ayaa raalligelin iyo cudur daar ka bixisay khariiraddaasi oo ay ku tilmaantay khalad ka dhacay markii la soo dhaweynayay Markabkii Shidaal sahminta Turkiga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.