Madaxweyne Deni: Waxaan garab iyo gaashaan u nahay Jubaland in ay doorashadeeda qabsato

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in ay Puntland garab iyo gaashaan u tahay Maamulka Jubaland.

Madaxweyne Deni oo taageeray mowqifkii Madaxweyne Axmed Madoobe ka qaatay Shirkii Madasha Muqdisho ayaa si cad u sheegay in Puntland garab iyo gaashaan ugu tahay Jubaland in ay qabsato doorashadeeda.

“Halkaan waxa aan ka caddaynayaa in aan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland in ay qabsato doorashadeeda xorna u tahay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka.

“Xasan Shiikh doorashadii uu noo diidanayaa ee qof iyo codka ayuu maamullada ku khasabayaa, Madasha Qaranku maaha meel danta Soomaaliyeed lagu hayo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa isagoo xoojinaya mowqifkii Madaxweyne Axmed Madoobe ka qaatay Shirkaasi.

PUNTLAND POST