Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale Madaxweynaha Kenya ka diiday in uu ku laabto Shirkii Madasha Muqdisho

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo safar hal cisho ah ku tegey dalka Kenya ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yimid maalmo kadib Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tegey Kenya uu ka codsaday Madaxweyne William Ruto in uu dhex dhexaadiyo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland, si uu dib ugu soo laabto Shirkii Madasha Muqdisho.

Madaxweynaha Jubaland ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira arrimaha shirkii Madasha Muqdisho ee sababay in uu isaga baxo Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay Madaxweynaha Jubbaland ka codsatay in uu ku laabto shirka madasha, kana soo dabco qodobada uu ku dhegan yahay, hase ahaatee  Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale ku adkeystay sadexda qodob oo ahayd doodda Jubbaland oo kala ah:

In dastuurka Jubbaland aan la  dhaafi karin isla Markaana uu sida uu qabo ay muhiim tahay in la qabto doorashada heerarka kala duwan ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, isla markaana aysan ogolaan karin muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo hey’addaha dowladda.

In haddii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan doodeeda dhammaan dhinacyada maqan oo ay u horrayso Puntland

In guddiyada Doorashooyinka ay noqdaan labo heer mid heer Federaal ah iyo mid heer dowladdaha xubnaha ka ah DFS ah taasi oo ay aad u diidan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST