Madaxweynaha Puntland oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa ka jawaabayay khariirad la sheegay in ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, si ay halkaasi dagaallo uga riddo.

“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland oo uu ka jeediyay Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa imaanaya xilli saaka baraha bulshada lagu faafiyay khariiraddaasi muujinaysa muran dhuleedka.

PUNTLAND POST