Markabka Shidaal baarista Turkiga oo Maanta lagu soo dhaweynayo Muqdisho

Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa soo dhaweyntiisa waxa ay ka socotaa Dekadda Magaalada Muqdisho, Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa munaasabada soo dhaweynta.

Markabkaan oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa Horraantii bishan Xeebaha Turkiga waxaa ka soo sogootiyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo ku saabsanaa sahaminta karboonka saddex baloog oo loo qoondeeyay inay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska la soo gabagabeeyey bishii Luulyo, Turkiye waxay yeelan doontaa xuquuq gaar ah si ay u sahamiso oo ay u soo saarto hydrocarbons ee baloogyada, kuwaas oo mid kastaa uu ku fadhiyo qiyaastii 5,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

PUNTLAND POST