Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoowe

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa soo gaaray magaalada Garoowe.

In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarmaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Maxamuud Ciise oo ay weheliyaan xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa soo dhaweeyay xubnaha labada aqal ee Garoowe yimid.

Mudanayaasha labada aqal ee lagu soo dhaweeyay Garoowe ayaa sheegay in ay soo ajiibeen marti-qaadkii uu u fidiyay guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ku casumay in ay ka soo qeyb galaan furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland.

Kal-fadhiga 55ad ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in uu furmo maalinta Sabtida ah ee ku beegan 26ka bisha October kaasi oo uu furayo Madaxweyne Deni islamarkaana khudbaddiisa dastuuriga ah ka jeediyo.

PUNTLAND POST