Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Xalay ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal.
Qoraal uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayuu ku sheegay Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada oo xalay qabsoomay in lagu ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal.
“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.