164 dhalinyaro laga sii daayay xabsida dalka Liibiya oo saaka laga dejiyay magaalada Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay 164 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay xabsiyada dalka Liibiya.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha  Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyaradaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 109 qof oo kamid ah dhalinyaradaasi laga soo dejiyay magaalada Muqdisho halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

PUNTLAND POST