Soomaaliya ayaa loo ansixiyey Mashruucii ugu horeeyey oo gaar u ah maalgelinta sare u qaadidda Adkeysiga Cimilada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-makhzoumi iyo wefdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.
Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada incheon songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed.
“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF” ayay tiri Khadiija Maxamed Al-makhzoumi.
“Soomaaliya waxa ay la timid ka go”naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, waxaana naga go’an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed” ayay sii raacisay Al-makhzoumi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.