Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo beenisay in shil diyaaradeed ka dhacay dalka

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay wararka ku saabsan in shil diyaaradeed ka dhacay dalka.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa qoraalkaasi ku sheegtay ay soo saartay in aysan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka waxaana ay been abuur ku tilmaantay warar baraha bulshada lagu faafiyey.

“Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka Hay’adda ayaa intaas ku sii daray, “Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.”

Halkaan ka akhriso qoraalka Hay’adda

PUNTLAND POST