Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta ka wada-hadlaya Arrimaha Gobolka iyo bixitaanka Hawlgalka ATMIS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay gaaray Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi halkaasi oo uu Maanta Shir kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ayay ku shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xalay u hoyday magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaasi oo uu Wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi  William Ruto.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada-hadli doonaa Qodoba ay kamid yihiin Xoojinta Iskaashiga labada Waddan ee Arrimaha Gobolka iyo sidoo kale Marxaladda kala guurka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS.

PUNTLAND POST