Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo Shir ka yeeshay Xaaladda Gacanka Kuuriya

Taliyayaasha Ciidamada Cirka ee Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa la sheegay inay shir labo maalmood socday oo furmay Isniintii shalay inay ka yeesheen wax ay ugu yeereen daandaabsiga Kuuriyada Waqooyi.

kulankan oo la sheegay in ay ku biireen saraakiil sare oo ka mid ah xulufada galbeedka ayaa waxaa isugu yimid ilaa 80 sarkaal oo ay ku jiraan taliyeyaasha hoggaanka hawl-gelinta ciidanka cirka ee Koonfurta iyo taliska ciidanka cirka iyo difaaca gantaallada iyo sidoo kale ururka 7-aad ee ciidanka cirka iyo badda ee Maraykanka.

Warsaxaafadeed uu baahiyay taliska guud ee ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay; “Kulanka oo ka dhacay saldhigga Osan Air Base ee Pyeongtaek oo 60 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Seoul, ayaa taliyeyaasha waxa ay ku wadaageen qiimeynta dhanka amniga, iyadoo ay sii socoto daandaansiga ay wadaan Woqooyiga iyo go’aankii ay dhawaan ku gaareen in ay ciidamo u diraan Ruushka si ay u taageeraan dagaalka Moscow ee ka dhanka ah Ukraine.”

Xiisadda labada Kuuriya ayaa gaartay meel aysan horey u gaarin, iyadoo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu beddelay dastuurka waxaana lagu qoray Kuuriyada Koonfureed inay tahay dal cadow ah , halka meesha laga saaray wax wada xaajood ah inay labada dhinac geli karaan, tan oo ay xigtay burburinta waddooyinka isku xira labada Kuuriya iyo in Waqooyiga uu ciidamo u diray Ruushka, taa oo ka dhigan inay jirto wax ay Kuuriyada Waqooyi ku beddelatay iyo iskaashiga labada dhinac oo sare maray.

PUNTLAND POST