Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Shir ka yeeshay Xoojinta Iskaashiga labada Waddan

Madaxweynaha Waddanka Kenya William Ruto ayaa Xarunta Madaxtooyada dalkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ay Kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada dalka Kenya.

Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia ayaa sido kale lagu sheegay in labada Madaxweyne Kulankooda kaga wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane William Ruto oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal” ayaa lagu yiri Warkaasi.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS.

PUNTLAND POST