Madaxweynaha Puntland oo Maanta dib ugu laabanaya Garoowe kadib safarkiisi Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii danbe safar dibadda ah ku maqnaa ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto magaalada Garoowe.

Madaxweyne Siciid Deni oo in ka badan laba todobaad safar ku joogay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah dib ugu laabanaya caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa Sabtida Todobaadka danbe oo ku beegan 26 October waxa uu si rasmi ah u furi doonaa Kal-fadhiga 55-aad ee Baarlamaanka Puntland kaasi oo uu ka jeedin doono Khudbaddiisa dastuuriga ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Deni uu Garoowe ka bilaabayo shirar siyaasadeed oo ku saabsan Arrimaha Federaalka kuwaasi oo salka ku haya Khilaafka isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST