Kenya oo si khasab ah dalkooda ugu musaafurisay afar muwaadin oo Turki ah

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay dib u celinta afar qof oo qaxooti Turkish ah oo laga masaafuriyey Kenya, kuwaas oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in la afduubay oo si qasab ah loo celiyay, ayada oo la jebinayo sharciga caalamiga ah.

Afarta qof — Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci – ayaa dib loogu celiyay Turkiga Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Waxay daba socotay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegayey in laga afduubtay waddo ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaga iyo saddex qof oo kale oo markii dambe la sii daayay.

UNHCR, oo ah hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa bayaan ay siisay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegtay “inay aad uga walaacsan tahay dib u celinta afarta qaxooti ee Kenya.”

Waxay ugu baaqday dawladda Kenya inay u hoggaansanto waajibaadkeeda sharci ee caalamiga ah iyo gaar ahaan, inay ixtiraamto mabda’a magan-galyo-doonka iyo qaxootiga ka ilaalinaya tallaabo kasta oo u horseedi karta in loo raro meel ay noloshooda ama xorriyaddooda halis ku galeyso.

PUNTLAND POST