Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad oo Xukuumaddiisu yeelatay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad oo ay yeelanayso Xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Hawlaha guud u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale Wasiirka Hawlaha guud oo uu banneeyay Cabdisalaan Cabdi Cali waxa uu u magacaabay Cilmi Maxamuud Nuur oo hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda DFS.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul Wasaare kuxigeen labaad, kaddib Dowladdii KMG.

Mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xukuumaddiisa u horraysay uu magacaabay ay yeelatay hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen taasi oo meesha ka saartay Ra’iisul Wasaare ku xigeenadii saddexda ahaa ee Xukuumadihii KMG ahaa.

PUNTLAND POST