Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland oo lagu casumay Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Casumaad Rasmi ah u diray Xildhibaannada Labada Aqal (BFS) ee laga soo doorto Puntland.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed ayuu ku marti-qaaday xubnahaasi in ay ka soo qeyb-galaan Furitaanka Kal-fadhiga 55-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmaya maalinta Sabtida ee ku beegan 26 bishan October.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo soorto Puntland waxa uu ka codsaday in ay ugu danbayn 25 October ku yimaadaan Garoowe si ay Kal-fadhiga uga qeyb-galaan.

Halkan ka akhriso Warqadda

PUNTLAND POST