Soomaaliya iyo Uganda oo ku heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Amniga labada Waddan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kampala ayaa Kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay labada Madaxweyne ka wada-hadleen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ay ku heshiiyeen Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoo la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM iyo Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

Dowladda Uganda ayaa sidoo kale soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

PUNTLAND POST