Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha dalka Burundi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  gaaray magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Burundi, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Burundi ayaa ka wada xaajooday taageerada ciidamada Burundi ay ka geysanayaan hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya, iyo sidii labada dal u xoojin lahaayeen iskaashiga xasilloonuda gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashadooda nabad ilaalinta, iyadoo labada Madaxweyne ay isku raaceen in la sii xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo diblomaasiyadeed ee labada dal.

PUNTLAND POST