Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aamiyay in aan hantida dadweynaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsan karin ollolaha doorashooyinka Maamulkaasi.
Wareegtooyin ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayuu ku go’aamiyay in aan hantida dadweynaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsan karin ollolaha doorashooyinka.
“Waxa reebban in hantida danta guud ee qaranka nooc kasta oo ay tahay in loo adeegsado ollolaha doorashooyinka innagu soo foolka leh. Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha dowladda iyo ciidammada kala duwan ee qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ollolaha” ayaa lagu yiri Wareegtooyinka.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale Warbaahinta dowladda ku amray in ay si siman u tebiyaan Wararka Olaha doorashada ee Axsaabta kala duwan ee Somaliland sida ku xusan Wareegtooyinkaasi.
“Waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in xisbigyada qaranka iyo ururada siyaasaddu u sinnaadaan war-baahinta dowladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh” ayay sii raaciyeen Wareegtooyinka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale faray wasiirka arrimaha guddaha Maamulkaasi in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ollolaha muddada ollolaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee ku sugan fagaarayaasha ollolaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.