In ka badan 30 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay ilaa 85 kalana way ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil xalay ku garaaceen guryo ku yaalla xerada Jabaaliya oo ah kaamka ugu weyn xerooyinka qaxootiga ee Gaza.
Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama laga cabsi qabo in dadka qaar ay wali ku hoos jiraan burburka hoostooda. Wakaaladda wararka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan carruur.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyo lagu gubo guryaha qaar isla markaana lagu burburiyay waddooyinka. Ma jiro war war ah oo kasoo baxay dhinaca Isra’il oo ku saabsan dilka dadkaasi Falastiiniyiinta ah.
Laakin Israa’iiliyiintu waxay sheegeen in howlgallo ay ka socdeen Jabaaliya labadi todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen tobnaan ka mid ah dagaalyahannada Xamaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.