Diyaarad aan duuliye lahayn oo ku qaraxday guriga Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in guriga Netanyahu oo ku yaal waqooyiga Tel Aviv, gaar ahaan xaafadda Caesarea ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo oo ka timid dhanka Lubnaan.

“Netanyahu iyo qoyskiisa ma joogin Caesarea markii uu weerarku dhacay” ayaa lagu yiri bayaan ama war cad oo ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha, waxaana intaa lagu  daray in halkaasi uu ku dhintay hal ruux, isla markaana ay ku dhaawacmeed 13 kale.

Diyaaradda ku dhacday dhismaha Netanyahu ayaa la sheegay inay Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato, mana jirin wax digniin ah oo ay bixiyeen nidaamka difaaca iyo raadarrada.

Afhayeenka ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in labo diyaaradood oo kale laga hortagay, balse ay baarayaan sida ay u awooday diyaaradda ku dhacday dhismaha Ra’iisul wasaaraha in ay halkaa gaarto.

PUNTLAND POST