Xamaas oo si rasmi ah u shaacisay in Hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil

Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas Khaliil Hayya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dhimashada Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo shalay Israa’iil sheegtay in ay dagaal toos ah ku dishay.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil isaga oo u dagaallamaya si geesinimo leh oo hubkiisa gacanta ku haysta.

“Wuxuu naftiisa u huray xorriyaddayada…. wuxuu u dhintay si geesinimo  leh, madaxiisa kor u taagaya, oo haysta hubkiisa, oo rasaas ku ridaya ilaa neefta ugu dambeysa, ilaa daqiiqada ugu dambeysa ee noloshiisa” ayaa lagu yiri bayaanka Ururka Xamaas.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday Khamiista in ay dishay Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo ay ku tilmaantay shakhsigii abaabulay weerarkii October 7, 2023, ee dhaliyay dagaalka weli ka socda marinka Gaza.

Yaxye Sinwaar waa Hoggaamiyihii labaad ee Xamas ee Israa’iil ay disho tan iyo markii uu dagaalka Gaza bilowday sanad ka hor. Israa’iil ayaa horey u dishay Ismaaciil Hanniyeh.

PUNTLAND POST