Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo magacaabay saddex wasiir oo ka bannaanaa Xukuumaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa maanta oo Jimce ah magacaabay saddex wasiir oo kamid noqday Xukuumaddiisa.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lagu magacaabay saddex wasiir oo ka bannaanaa Xukuumadda dalkaasi Ethiopia.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa u magacaabay Wasiirka cusub Arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Gideon Tomotios, sida ku cad dikreetad ka soo baxday Xafiiskiisa.

Wasiirka Cadaaladda ayuu sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy u magacaabay in ay noqoto marwo Hana Aryaslase, halka wasiirka Dalxiiska uu u magacaabay Marwo Seifit Kasa.

PUNTLAND POST