FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday Soomaaliya si uu ugu biiro kooxaha Daacish

Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Mareykanka ee Qeybta Maryland ayaa Michael Sam Teekaye ku soo oogay dacwad ku saabsan in uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada.

Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa labaad ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel.

Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka.

PUNTLAND POST