Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Siyaasadda iyo Nabadda oo Muqdisho timid

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda, Rosemary A. DiCarlo ayaa Maanta booqasho Rasmi ah ku timid Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Axmed Macalin Fiqi, iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Rosemary A. DiCarlo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Rosemary A. DiCarlo uga warbixiyay Xaaladda Amni iyo Siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana uu Qaramada Midoobey uga mahadceliyay Taageerada ay siiyaan dowladda.

Sidoo kale Rosemary A. DiCarlo ayaa xaqiijisay taageerada ay Qaramada Midoobey u fidinayso Soomaaliya, gaar ahaan kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, taasoo uu Danjire Fiqi si weyn u soo dhaweeyay.

PUNTLAND POST