Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo meel mariyay in la weeraro goobaha ugu muhiimsan Iran

Ra’iisul Wasaare Netanyahu, ayaa meel mariyay bartilmaameedyada gudaha Iran ee ay Israa’iil weerarrayso, sida ay uga jawaabto weerarkii gantaallada Iran, sida ay sheegtay shabakadda ABC news.

Warbixinta laguma sheegin , bartilmaameedyada sidoo kale lama cayimin waqtiga ay weerarrada qaadayso Israa’iil.

Wargeyska New York Times, ayaa maalin ka hor baahiyay in ay Israa’iil weerarri doonto, saldhigyada gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , warshado iyo xarumo dawladeed.

Ilaha uu wargeyska xigtay ayaa sidoo kale suragal ka dhigay in ay Israa’iil beegsan doonto xarumaha shaybaarka cilmi-baarista nukliyeerka Iran.

PUNTLAND POST