Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay maqaayad ku taalla gudaha dugsiga tababarka Booliska Gen. Kaahiye (Iskuul Buluusiya) ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray waxlaha qarxa, kaas oo beegsaday maqaayada oo ay fadhiyeen dad badan oo isugu jiray ciidan iyo shacab.

Inta la xaqiijiyay 7 qof oo isugu jira ciidan iyo shacab ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 6 ruux, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka Booliska Soomaaliya.

”Maanta oo taariikhda tahay 17-Oct-2024 abaaro 15:27 ama 03:27pm ruux naftii halige ah oo isku soo xirey walxaha qarxa ayaa ku qarxay xaafada isku raranta ah ee kasoo horjeeda barxada Iskool Boliisiya, halkaas oo ay ku yaalaan geedo ay dadka meesha degan harsadaan. Qasaaraha hordhaca ah oo la xaqiijiyey waxay kala yihiin:- Dhimashada 7 ruux oo isugu jira  ciidan iyo shacab, dhaawacana waxaa la arkay ilaa hadda 6 ruux” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ka mid ah sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cabdixakiin oo ahaa madaxa amniga ee Isbitaalka Yardemeli iyo Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar.

PUNTLAND POST