Mareykanka oo Ukraine siinaya lacag dhan 425 oo milyan oo dollar

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku dhawaaqay xirmo lacageed oo gaareysa 425 oo milyan oo dollar oo ay Washington ugu talagashay gargaarka dhanka milatariga ee Kiyiv.

Lacagtaan ayaa hubka lagu gadayo uu qeyb ka noqon doonaa, awoodaha difaaca cirka ee dalkaasi dhaca bariga Yurub iyo rasaasta hubka culus ee dhulka, gaadiidka gaashaaman iyo saanado kale oo millatari.

Mareykanka ayaa lagu wadaa in bilaha soo socda uu u daabulo Ukraine agab millatari oo u badnaan doona gantaallada difaaca cirka, madaafiicda riddada dheer iyo baabuurta qafilan ee dagaalka.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa la qorsheynayaa in Khamiista maanta ah uu kiiska dalkiisa ee ku biirista NATO hor geeyo madaxda NATO oo uu shir uga billaabanayo magaalada Brussels.

Ukraine ayaa dagaal kula jirta Ruushka oo deris la ah. Dagaalkaas oo difaaciisa uu aad ugu taageerayo Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah ee reer Yurub.

PUNTLAND POST